LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

10 ka magaalo ee ugu wayn caalamka

Magaalooyinka waa qayb muhiim ah oo kamid ah nolosha bulshada, iyadoo ay jiraan magaalooyin badan oo si wayn ugasoo koray dunida. magaalooyinkan waxa lagu qiimeeya baaxada, tirada dadka, iyo sido kale heerka horumarka iyo dhaqaalaha.

halkan waxa kuqoran 10 ka magaalo ee ugu wayn caalamka, iyadoo lagu salaynayo tirada dadka iyo saamaynta ay ku leeyihiin dunida. 

1. Tokyo, japan

Tokyo waa magaaloyinka ugu badan ee ay dad kunool yihiin, iyadoo lagu qiyaaso dadka ku nool in ay yihiin ku dhawaad 37 milyan oo qof. waa xarun dhaqameed, dhaqaale iyo farsamo oo muhiim ah. Tokyo waxay leedahay adeegyo casri ah iyo xawaare sare oo horumar ah 

2. Delhi, india 

Delhi oo ah caasimada India waxay ka kooban tahay magaalooyin waawayn oo isku dhafan. tirada dadka ee magaalada waa kudhawad 32 milyan, iyadoo Delhi ay noqotay mid kamid ah goobaha ugu muhiimsan ee dhaqalaha iyo siyaasada Asia. 

3. Shanghai, China 

Shanghai waa magaalo wayn oo kutaal bariga shiinaha, iyadoo tirada dadka ay ku
dhawdahay 26 milyan,. waa magaalada ugu wayn shiinaha ee dhanka dhaqalaha iyo ganacsiga, iyadoo sido kale leh dakada ugu wayn aduunka. 

4. Sãu Paulo, Brazil 

Sãu paulo waa magaalo wayn oo kutaal Brazil iyadoo tirada dadka ay ku dhawdahay 22 milyan waa xarun dhaqaale oo muhiim ah oo kamid ah magaalooyinka ugu muhiimsan Latin America. 

5. Mexico city, Mexice 

Mexico city waa caasimada dalka Mexico, waxaana lagu qiyaasa inay kunool yihiin in kabadan 21 milyan oo qof. waa magaalo kutaal xarunta dhaqaalaha iyo siyaasada Latin America. 
 
6. Dhaka, Bangladesh 

Dhaka caasimada dalka Bangladesh, waxa kunool dad kudhaw 21 milyan oo qof. waa magaalo caan ku ah dhaqanka iyo dhaqaalaha iyadoo dadka kunool ay kutiirsan yihiin adeegyada magaalada. 

7. Cairo, Egypt 

Cairo waa magaalo kutaal masar iyadoo dadka kunool ay kudhaw yihiin 20 milyan. waa xarun taariikhi ah oo muhiim ah isla markaana kutaal waqooyiga Africa. 

8. Mumbai, India 

Mumbai waa magaalada ugu wayn ee hindiya marka laga eego dhaqaalaha iyo ganacsiga, iyadoo dadkeedu gaarayaan 20 milyan, Mumbai waxay sido caan kutahay Bollywood, warshadaha filimada ee ugu wayn caalamka. 

9. Beijing, china 

Beijing waa caasimada china oo ay kunool yihiin dad kudhaw 20 milyan oo qof. waxay sido kale tahay magaalo muhiim ah oo dhaqameed iyo siyaasadeed, iyadoo ay kutaal xarunta dawladaha shiinaha (china). 

10. Osaka, japan 

Osaka, oo kutaala japan, waxa kunool dad kudhow 19 milyan. waa magaalo dhaqaale iyo ganacsi oo muhiim ah, iyadoo sido kale laga helayo Tiknolojiyada iyo dhaqanka casriga ah. 

Gunaanad 

Magaalooyinkan waa tusaale cad oo muujinaya sida ay magaaloyinku uga sii kordhayan caalamka, iyado ay kutiirsan yihiin ganacsiga, dhaqanka, iyo adeegyada bulshada. magaalooyinkan waxay noqdeen xarumo muhiim ah oo aan kaliya saamayn ku lahayn dalakooda, laakin sido kale waxa ay saamayn ku leeyihiin dunida oodhan.

Post a Comment

0 Comments