LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Video editing: farsamada kasbashada dadka iyo horumarinta muuqaalada

video editing: farsamada kasbashada dadka iyo horumarinta muuqaalada 

video editing ama tafatirka muuqaalada, waa farsamo muhiim ah oo maanta laga isticmaalo dhamaan baraha bulshada iyo ganacsiga. waxa loo adeegsada in lagu hagaajiyo muuqaalka video-ga si loo abuuro sheeko soo jiidasho leh, sidaasna lagu gaadho ujeedooyin kala duwan hadii aad tahay qof doonaya inuu ku guulaysto video editing, barashada farsamadan aya muhiim ah. 

faahfaahin video editing ah

video editing waa habka lagu kala saaro, layskugu daro, laguna hagaajiyo muuqaalka video-ga, farsamadan waxay leedahay qaybo kala duwan oo muhiim ah sida: 

cutting: waa marka aad jartid ama aad kasoo saartid qaybaha aan muhiimka ahayn ee videoga. 

transition: ku darida isbadalka udhaxeeya muuqaalka midba midka kale. 

effects: ku darista saamayn gaar ah sid iftiinka ama midabada si loo xoojiyo muuqaalka. 

sound design: ku darista codadka iyo musicada si loo hagaajiyo xiisaha daawadayasha. Toolska video editing waxa jira aalado badan oo aad u isticmaali kartid tafatirka muuqaalada. qaar kamid ah kuwa ugu caansan waa: 

 ●adobe premier pro: waa mid kamid ah softwarerada ugu xoogan ee loogu talo galay video editing. waxa uu kakooban yahay qalab badan oo wax soosaarka sare ah.

 ●final cut pro: farsamadan waxay ku fiican tahay dadka isticmaala mac. waxay leedahay qalabyo badan oo loogu talo galay tafatirka videoga si xirfad leh. 

 ●daVinci resolve: kani waa barnaamij aad ufiican, khaasatan marka ay timaado habaynta midabada (coler grading).

 ●capcut: waa aalad si gaar ah loogu talo galay dadka doonaya inay si sahlan ugu tafatiraan videoyadooda, iyadoo ay ku xidhan yihin dad badan oo isticmaala tiktok.
 
Faa'iidooyinka video editing 
 
1. Abuurista muuqaal soojiidasho leh: tafatirka wuxu kaa caawinaya inaad abuurto muuqaal soo jiidasho badan. 

2. Fududaynta isgaadhsiinta: muuqaalada tafatirka waxay kadhigi karaan fariintada mid sahlan oo lafahmi karo. 

3. Hagaajinta tayada: waxa kuu fududaanaya inad hagaajiso tayada muuqaalka, iftiinka, iyo codadka si ay unoqdaan kuwa heer sare ah . 

4. Ka shaqaynta muuqaalada xirfadeed: hadii aad qorshaynayso inaad ka shaqayso filimada ama xayaysiisyada, barashada video editing waa muhiim si aad uyeelato xirfad kaa caawisa shaqooyinka mustaqbalka. 

Talooyin ku saabsan video editing 
 
Ku bilow barnaamjiyo fudud: hadii aad tahay bilaw, kabilow barnaamijyada fudud sida capcut ama iMovie si aad ugu tababarato ka hor inta aadan u wareegin barnaamijyada adag. 

Talooyinka muhiimka ah: si aad udhisto xirfadaada, samee mashruucyo yaryar oo aad sijoogto ah uhagaajiso. tani waxay kaa caawin doonta inaad si dhaqso leh uhorumariso xifadaada. 

Raadi macluumaad: ka faaidayso casharo iyo hagayaal online ah si aad ubarato farsamooyin cusub oo video editing ah. 

 Gabagabo 

Video editing waa xirfad awood uleh in lagu abuuro muuqaalada soo jiidashada leh ee loogu talo galay bulshada iyo ganacsiga. hadii
aad xiisaynayso inaad noqoto tafatiraha videoga ku bilow barashad aaladaha ugu fiican waxay kaa caawin doonan fursad aad ku guulaysato.

Post a Comment

0 Comments