Gorfayn buuga "who Moved my cheese?" -"Yaaqaatay burcadkaygi?"
Buuga "who moved my cheese? " oo uu qoray Dr. Spencer Johnson waa mid caan ah oo laga barto falsafada isbadalka iyo sida loogu diyaar garoobo nolosha oo Mar walba isbedasha. Buugan, oo markii hore loo qoray ganacsatada iyo hogaamiyayasha, wuxu noqday mid ay dhamaan dadka ay ka faa'iidaystan, maadaama uu ka hadlayo isbadalka, fursadaha, iyo sida loola qabsado xaalad cusub.
Dulucda buuga
Sheekadu waxa ay ku saabsan tahay afar dabeecadood oo ay leeyihiin laba dooli ama jiir (Sniff iyo Scurry) iyo labo qof oo yaryar (Hem iyo How) kuwaas oo ku nool god ku dhex yaal meel lagu hayo burcad (cheese) burcadku waxa ay astaan u tahay fursadaha nolosha sida shaqo, lacag, guul, ama farxad, halka godla ay ku jiraan uu u taagan yahay caqabadaha iyo xasiloonida ay dadku jecelyihiin inay iskaga jiraan.
Maalin maalmaha kamid ah, burcadkii wuu dhamaaday! Markaas ayaa afarti noole xaalad adag dareemen:
●Sniff (ur-kaca): wuxu si dagdag ah u dareemay isbadalka wuxuna bilaabay inuu baadho burcad cusub.
●Scurry (orod-ku-baxa): isaguna waxa uu si dhaqso ah uga falceliyay oo u dhaqaaqay si uu u helo burcad cusub.
■Hem (diidaha isbadalka): wuu iska fadhiistay isaga oo ka xumaaday burcadki inuu dhamaaday, ma rabin inuu wax kabadalo noloshiisa.
■ Haw (qayrul-caadi): marki hore waxa uu lamid ahaa Hem, laakin marki danbe wuu fahmay in isbadalku lama huraan uu yahay, wuxuna bilaabay inuu la qabsado nolosha cusub.
Casharada laga baran karo
1. Isbadalku waa lama huraan: wax kasta oo aad qabato, waxa jiri doona isbadalo aad la kulmi doonto sidaas darteeda diyaar u noqo.
2. Ha la qabsan caadooyinki hore: waxa aad maanta haysato waa laga yaaba in bari aysan jiri doonin, markaas waa inad hore u sii qorshaysato.
3. Si dhaqso ah u falceli: dadka guulaysta waa kuwa aan sugin in wax walba loo diyaariyo, balse si dhaqso leh uga shaqeeya isbadalka.
4. Ha ka baqin wax cusub: hadii aad wax cusub isku daydo waxad heli kartaa fursado ka wanagsan kuwi hore.
5. Wax kasta majiri doonan waligood: haku xidhnaan noloshaada hore, maxaa yeelay burcad cusub aya kugu sugaya meel kale.
6. Raadi isbadalka: majiro wax fadhiga kuugu imanaya ee waa in aad adigu raadisa oo meel walba iyo dhib walba u martaa.
Gunaanad
Buugan wuxu bixiya aragti nololeed oo muhiim ah oo qof walba ka caawin karta inuu la qabsado isbadalka, xita hadi uu yahay mid lama filaan ah. Qof kasta waxa uu go'aansan karaa inuu noqdo Sniff, Scurry, Hem iyo How, hadaba adigu midkee tahay dabeecad ahaan?
0 Comments