graphic design waa
xirfad muhiim ah oo si wayn ugu baahsan suuqyada shaqada casriga ah. waa farsamo
isku daraysa farshaxanka iyo Tiknolojiyada si loo abuuro naqshado soojiidasho
leh oo loo adeegsado xayaysiisyada, mareegaha, shahaadooyinka,logos, iyo
waxyaabo kale oo badan. qormadan waxa aynu kaga hadli doona waxa uu yahay
graphic design, sababaha uu muhiimka u yahay, iyo sida loo barto xirfadan
qiimaha badan.
Waa maxay graphic design?
graphic design waa hab abuuris muuqaal
ah oo lagu gudbiyo fariimo gaar ah. naqshadeeyayaasha (graphic designers) waxay
adeegsadan midabyo, sawiro, qaabab, iyo qoraalo si ay u abuuraan naqshado dadka
soojiita oo cadeeya fariintooda.
Sababaha uu graphic design muhiim u yahay
●xayaysiiska iyo suuqgaynta: ganacsiyo badan waxay u baahan yihiin naqshado
xayaysiisyo ah si ay u kordhiyaan macaamiishooda.
●website-yada iyo baraha
bulshada: muuqaal qurux badan ayaa muhiim u ah websiteska iyo posts ka baraha
bulshada.
●aqoonsiga brandka: shirkadaha waxay u baahan yihiin astaan muuqaal ah
(brand identity) sida logo, color palette, iyo typography si loo abuuro sumcad
muuqata.
● fursado shaqo: graphic design wuxu bixiyaa fursado shaqo oo badan
sida freelancing,agency design, iyo in laga shaqeeyo shirkado waaweyn. Sidee loo
bartaa graphic design Hadii aad rabto inaad barato graphic design waa inaad
fiiro gaar ah u yeelato waxyaabahan:
1.barashada softwareka: baro barnaamijyada
naqshadaynta sida:
● adobe photoshop: tafatirka sawirada
● adobe illustrator:
(vector design)
● adobe indesing: (buugaag iyo brochures)
● canva: (naqshaydanta
fudud)
2.Daraasee aasaaska naqshadaynta: faham xeerarka naqshadaynta sida
midabada, typography, balance, iyo contrast.
3.tababar iyo practice: xirfada
graphic design waxay u baahan tahay waqti iyo tababar badan. isku day inaad
samayso naqshado kala duwan oo lajaanqaada trends ka casriga ah.
4.samee
portfolio: qof kastaa wuxu kuu sheegi karaa inad tahay naqshadeeye wanaagsan,
balse waxa ugu muhiimsan waa inaad hesho portfolio (ururin shaqooyin ah) oo aad
tusiso macaamiishaada mustaqbalka.
5.kashaqee mashruucyo freelancing ah: waxa
jira websiteyo freelancing ah sida fiverr, apwork oo aad kaga heli karto
shaqooyin la xidhiidha graphic design.
Gunaanad
graphic design waa xirfad qiimo badan leh
oo fursado badan laga heli karo. hadii aad jeceshay farshaxanka iyo
Tiknolojiyada, xirfadan waa mid kugu habboon. barashada graphic design waxay kuu
horseedi kartaa shaqooyin badan oo aad xita online kaga shaqayn karto. hadii aad
rabto inaad bilawdo, waa inaad guda gashaa adiga oo ka baranaya softwareda lagama
maarmaanka ah, ku celcelinaya, oo samaynaya portfolio tayo leh. diyaar ma utahay
inaad barato graphic design? hada waa xiligii aad xirfadan ku baran lahayd.
0 Comments